Ku soo dhawoow fariimo jaceyl ah gaar ahaan kuwo cajiib ah oo qalbiga taabanayo 2022, kuwo marka aad akhrisato alley lahee maankaaga deeqayo. Ma ogtahay fariimaha ugu quruxda badan ee la isku diro in ay yihiin fariimo xikmad leh gaar ahaan kuwa qoraal ah oo qalbiga dhaqaajinayo? Mise la socotaa adeegsiga fariimo jaceyl ah oo xikmad leh in ay saameyn ku yeelan karaan noloshaada?
Si kastaba ha noqotee Haddi aadan isku wanaaganeyn dirista fariimo jaceyl ah oo qalbiga taabanayo, waxba haka welwelin, sababtoo ah waxaan halkaan kuugu diyaarinay kuwo xul ah oo cajiib ah.
Fariimo jaceyl oo qalbiga taabanayo
U dir lamaanahaaga fariimo jaceyl oo nuucaan ah
Sida loogu diro erayo ama fariimo jaceyl habeen wanaagsan ah gaar ahaan kuwo romantic ah. Fariimo marka aad u dirto lamaanhaaga uu caawa oo dhan adiga kaa fikirayo.
Caawa oo dhan ayaad u sheekeyneysay lamaanahaaga, sheekaduna waxay ahayd mid xiiso leh, waxaaad isu direyseen fariimo jaceyl ah oo soo jiidasho leh gaar ahaan kuwo romantic ah. Ugu dambeys waxaad rabtaa in aad sagootiso kuna dhahdo habeen wanaagsan gacaliso/gacaliye. Hadaba sidee loo sagootiyaa lamaanaahaaga?
Jawaabta waa mid fudud.
Sida caadada ah waxaan kuu soo diyaarinay fariimo jaceyl oo qalbiga lamaanahaaga xusuus gaar ah ku reebayo. Haddii aad u dirto fariimahaan waxaan hubaa in lamaanahaagu uu habeenkaasi uu u hurdayo si aanan caadi ahayn.
Fariimo jaceyl Habeen Wanaagsan ah
Kahor intaanan seexan, waxaan ka fekeraa sida aad nolosha uga dhigto mid macno badan iyo sida aan nasiibka ugu leeyahay inaan adiga ku haysto. Waxaan rajeynayaa inaan kugu arko riyooyinkayga.
Maalin kasta oo aan kula qaato waa maalinta ugu cusub noloshayda: Si fiican u seexo, adigoo ku riyoonayo hriyooyin macaan ah.
Waxaan kuu rajaynaya riyooyinka ugu macaan markaad huruddo. Habeen wanaagsan jacaylkayga.
Waxaan rajeyneynaa in aad si fiican isugu diyaarisay hurdada. Aan ku kulano riyada, jacaylkaygiiyow.
In yar aan kuu mahadnaqno maalinta aan wadaagnay, waxaana si dulqaad leh u sugayaa waxa berrito ah. Hurdo wanaagsan, kuna soo toos caafimaad wanaagsan.
Sida maalintu ay habeen isugu beddesho, welwelkaaga ka ilaali. Indhaha xiro oo seexo; waqtiyada wanaagsan oo dhan adigaa iska leh inaad ilaaliso. riyo macaan iyo habeen wanaagsan.
Waad ogtahay inaad jacayl ku jirto marka aadan seexan karin sababtoo ah xaqiiqadu waxay ugu dambeyntii ka fiican tahay riyadaada. ” – Dr. Xabeeb
Habeen wanaagsan, hurdo caafimaad leh, ma sugi karo inaan arko dhoola cadeyntaada subaxdii si aad u iftiimo.
Habeenkii oo dhan waan soo jeedi karaa anigoo adiga kaa fikiraya, laakiin halkan waa inaan rajaynayo inaan ku helo riyadayda. Habeen wanaagsan jacayl.
Markaad huruddo, oo aad indhaha isku xirto ka feker in aan laabta kugu hayo. Waxaan kuu rajeyneynaa hurdo iyo habeen oo cajiib ah.
Fariimo jaceyl oo habeen wanaagsan ah
Qoraxda ileys baad ka heshaa, dayaxa iftiin baad ka heshaa, anna waxaan kuu hibeeyay qalbigeyga. Habeen wanaagsan nolosheyda.
Casarku markuu gaabto, cadaantu gudcur noqoto, cashadadaan kula wadaagiyo, caweys aan kula caweeyo, culeys iyo caajis oo dhan, sow caraaba kuma idhaahdoo, farxadaada iyo qosolkaaga, ima cajab geliyaan quruxeey. Hurdo wanaagsan qaali.
Jaceylku qabyoobi maayo, nasiibku qaloocan maayo, dadaalku khasaari maayo, wixii aan kuu qalmeyn aniga kuu quuri maayo. Habeen wanaasan gacaliso/gacaliye.
Xusuusnow adigu ma tihid boqoradeyda/boqorkeyga oo kaliya ee sidoo kale waxaa tahay hantida aan gaarka u leeyahay. Habeen wanaagsan boqoradeyda/boqorkeyga.
Haddii aan adiga laabteyda kugu heysto uma baahni wax kale maxaa yeelay maba jiraan wax qurux badan taa. Waxaan kuu rajeyn habeen wanaagsan oo qurux badan qaali.
Sida loo dhaho habeen wanaagsan ah gacaliso
Ma joojin karo in aan adiga kaa fikiro maxaa yeelay waxaad camiratay qalbigeyga. Habeen wanaagsan gacaliso.
Markii ugu horeysay ee aan ku arkay waad isoo jiidatay, markii ugu horeysay ee aan kula kulmay waxaad noqotay. saaxibadeyda/saaxibkeyga, markii ugu horeysay ee aan kuu xiisayna waxaad noqotay jacaylkeyga. Hurdo macaan gacaliso.
Nolosheyda waxaan u dhoola cadeeyay dad badan laakin markii ugu horeysay ee aan adiga ku arkay qalbigeyga adigaaa la wareegay, wuuna dhoola cadeeyay markii ugu horeysay. Habeen wanaagsan qalbi.
Waxaa ii muuqda aragaaga farxada leh, indhahaaga quruxda badan ee ku haboon daawashada kuwaasoo eegaya fariintaan, halka iftiinka taleefoonka uu haayo jirkaaga quruxda badan ee dhalaalaya isla markaana timahaaga dhaadheer ay ku fidsanyihiin dhabarkaaga. Waxan rajeeyaa inaan halkaas kula joogo. Habeen wanaagsan nolosheyda.
Sida loo dhaho habeen wanaagsan ah gacaliye
Maalin kastaa adigaan kuu xiisaa. Saacad kastaa adigaan kuu baahanahay. Daqiiqad kastaa adigaan ku dareemaa. Ilbiriqsi kastana adigaan ku rabaaa. Hurdo wanaagsan gacaliye.
Habeen kastaa ka hor intaanan seexan waxaan ku heesaa xarafka aan ugu jecelahay alifbeetada “L” Habeen wanaagsan macaane. (Ka bedel xarafka L oo geli xarafkaga magaca lamaanahaaga).
Waxaa tahay boqorkeyga, iftiinkii indhaheyga, nuurkii qalbigeyga, waanku jeclahay mcn, hurdo wanaagsan iyo habeen qurux badan baan kuu dhaafay gacaliye.
Xusuusnow adigu ma tihid jaceylkeyga oo kaliya ee sidoo kale waxaa tahay jiheeyaheyga. Habeen wanaagsan jiheeyaheyga.
Fariimo Habeen wanaagsan ah
Sida deg dega ah ee iftiinka qoraxdu u nuuriso maalintii, ayaynu wadajir u noqon doonnaa mar kale, ma sugi karo qalbi in aan habeeno wanaagsan oo qurux adiga kula qaato.
Qaali ha rajo dhigin, maxaa yeelay rajadu waa waxa kaliya ee nafta lagu sasabi karo. Hana iloobin mar aan dheereyn in aan kulmi doono oo aan nolosha wadaagi doono. Habeen wanaagsan rajadii nafteyda.
Waxaa tahay qofka aan ugu jecelahay dunidaan, waxaa tahay iftiinka aan u gudbiyo qalbigeyga, habeen wanaagsan, waan ku jeclahay.
Indhaha xidiga ku haay, maankana rajada ku haay, qalbigana jacaylkeyga. Habeen wanaagsan nuurkii qalbigeyga.
Neecaaw ideeqdiyo, naftu ruuxey jamatay, nafaqadii kalgacalkaay, nabad iyo caafimaad ku nagaado, ku seexo oo kuna soo toos insha Allah. Habeeen wanaagsan.
Waxaa tahay jacaylkeyga, waxaa tahay qofka maamulo qalbigayga. Sidoo kale waxaa ii tahay wax walbaaa. Habeen wanaagsan aduunkeyga.
Habeen wanaagsan sms qoraal ah
Waxaan had iyo jeerba ku raaxaystaa nuurka jacaylkaaga, waxaan ku kalsoonahay kalgacaylku inuu gaaro qalbigaaga. Habeen wanaagsan gacaliye/gacaliso.
Mar kastaa oo aan ka fekero sida aan adiga kuu ahay iyo sida aad adigu ii tahay, waxaan dhadhamiyaa dareenka ugu macaan, waxaaana dareemaa inaan ahay qofka dunida ugu nasiibka badan. Hurdo wanaagsan qalbi.
Qalbigu wuu kuu xiisaa weliba si xad dhaaf ah, marka fadlan aan ku kulano riyada mideeda ugu macaan. Habeen wanaagsan riyadeyda.
Dhoolacadeyntaadu aad bay ii soo jiidaneysaa, murugadaadan aad bay ii dhibeysaa. Sidaa darteed waxaan u baahanahay inaan arko adigoo faraxsan habeen iyo maalin. Habeeen wanaagsan.
Gacaliye/Gacaliso waxaad si joogto ah ugu jirtaa qalbigeyga. Aad bay iigu adag tahay inaan habeenadaan quruxda badan ku hoydo la’aantaa. Adigaan hadda kaa fekerooyaa! Habeen wanaagsan.
Inaad tahay nin/naag wanaagsan ka sokow, waxaa kuu sii dheer inaad tahay nin/naag macaan oo ku haboon in la koolkooliyo. Habeen wanaaagsan ninkeyga/xaaskeyga.
Walbahaarka oo dhami wuu idaayaa markaan arko adigoo dhinaceyga joogto. Habeen wanaagsan gacaliye/gacaliso.
Sawiro habeen wanaagsan oo qoraal ah

Waxaa laga yaaba inaad dareento qof inuusan ku qiimayn laakin ogsoonow markasta inaad qof kale u tahay qof muhiim ah oo aad u qaali ah.
Erayo xikmad leh oo qalbiga soo jiidanayo
Waxaa jiro shan kelmadood oo muhiim u ah nolosha. 1. Caqiido, 2. Jaceyl, 3. Daacadnimo, 4. Aaminaad, 5. xushmad. Haddii ay noloshaada ka maqan yihiin ku dhaqanka kalmadahaan, wax badan baa kuu dhiman.
ku kalsoonow lamaanahaaga ileen wuxuu kuusoo wadaa hadiyad aan qiimaheeda aduunka laga helaynin, kaasoo ah qalbiga.
Dhexdeena jaceylka yaal, haddeey dhayal moodayaan, dhab dhab ma u yara tusnaa? Daraadeen dhowr habeen hay nala dheelaan farxadee, xaflado ma u yara dhignaa? Inaan nahay laba dhigood, dhammaan iska jecel naflaha, tolow ma u dhaaranaa?
Jaceylku waa waxa ugu quruxda badan ee la heysto, waa waxa ugu adag ee la kasbado waana waxa ugu xanuunka badan ee la waayo.
Ma ogtahay inta aad garabkeyga joogtid in ay iila mid tahay anigoo la isiiyay inta farxad taalo aduunka, taasoo macnaheedu tahay in aysan jirin farxad kale oo iga maqan. Waxaan kuu hayaa xushmad jaceyl.
Qish: Halkaan ka baro gabdho guurdoon ah
Waxaa jiro dad haddii aad qalbiga ka jabiso ama waxaysan rabin aad ku sameyso, hadana weli sidii kuugu faraxsan, qofkaasi si niyad ah ayuu kuu jecelyahay! Waana dadka kaaga baahan inaad xaq dhowrto.
Ma jirto cid mar kasta mashquul ah kaliya waxay ku xiran tahay muhiimada liiska aad qofkaas ugu jirto, marka haddii dhowr jeer lagu yiraahdo “Waxaan ahay mashquul”. waa inaad iska fahantaa.
Si fiican ii dhageyso, maanta wixii laga bilaabo mar kale isma arki doono, maxaa yeelay wey i damqineysaa. Sida aad hadda dareemeyso waxba igama gelin, maxaa yeelay inta aan kaa arkay ayaa iga badan. Ogolow sida ay hadda tahay, waxaan ku siiyay waqti kugu filan, mana ii cuntameyso inaad mar kale dib ii soo ceshato, waad ka xun tahay, laakin anigu waxaa ii tahay wax tegay oo aan soo noqod lahayn. Maya maya fursad kale kuma siin karo, kaama daba ordi karo mar kale, intii aan ku daba socon karay waan ku daba socday, maanta wixii laga bilaabose kuuma hayo wax xushmad jaceyl ah.
Maanta wey adag tahay, beri wey ka sii adkaan laakin maalinta beri ka danbeyda wey qurxoonaan ee ha quusan. Xushmee jaceylka.
Dhab ahaantii erayo kuma qeexi karo muhiimada aad u leedahay nolosheyda mcn. Xabiibi aad baan ku jecelahay.
Ku abuur qalbiyada dadka oo dhan wax wanaagsan oo adiga kugu saabsan, haddii aadan jaceyl ku beeri karin, waxaad ku beertaa ixtiraam iyo xushmad jaceyl.
Dadka oo dhan ixtiraam, maxaa yeelay qofka caqliga leh wuu ku ixtiraami doonaa in ka badan intaad ixtiraamtay.
Ku xafid jaceelkeena qalbiga waayo jaceyl aan qalbi lagu xafidin waa sida beer aan qorax helin oo ubaxyaduna dhinteen.
Qalbigeyga wuxuu ku qaboobaa aragtidaada, indhaheyguna waxay ilinta daadiyaan markaad hab isiiso oo aad ii sheegto in aad i jeceshahay.
Dadka wanaagsan waxaa loo abuuray inaad ku hilmaamto inta xun xumaantooda, sameey wanaag mar walbaa.
Aargoosiga ugu wanaagsan waa inaad horay u socoto, cafiso iska ilowdo, kuna dedaasho inaad guuleysato. Marnaba ha siin qof qanaacada ah inay ku daawadaan adigoo dhibaatoonaya.
Haddii aad faraxsan tahay macnaheedu ma ahan in wax walba ay kuu hagaagsan yihiin, laakiin wanaagga ayaa kuu muuqda.
Qeybtii labaad:
Qofka sida dhabta kuu jecel wuxuu kaa hor istaagaa inaad dambi sameyso. Qofka aan sida rasmiga ah kuu jeclayn wuxuu kugu dhiirigeliyaa xumaan iyo inaad dambi sameyso.
Xushmad la’aan, Jaceylku waa lumaa. Daryeel la’aan, Jaceylku waa caajis. Daacad la’aan, Jaceylku farxad ma leh. Aaminaad la’aan, Jaceylku waa mid aan deganayn.
Dad badan oo aragtida wejiga keliya wax ku jeclaada gadaal bay ka qoomameeyaan sababtoo ah jaceylku marnaba kama dhasho quruxda wejiga balse quruxda qalbiga.
Intaadan qofka jeclaan marka hore fiiri inuu naftiisa jecel yahay, haddii uusan naftiisa jeclayn adigana jaceyl kuma siin karo.
Haddii qof aad is jecleedeen kaa taago, ha murugoon, ha matagin, ha is gubin, cuntada ha ka soomin, heeso badan ha isku maaweelin. Fiiri naftaada in aad nooshahay oo neefsaneyso ka dibna horay u wado noloshaada. U sheeg qalbigaaga in qof kaa tagay ee aysan ruuxdaadi kaa tegin.
Ha u bedelin midabkaaga iyo naftaada si dadku kuu jeclaadaan. Ahaw qofka aad tahay dadka saxda ah ayaa kugu jeclaanaya.
Dadka sida dhabta ah isu jecel si sahlan kuma kala haraan. Haddii ay jirto boqol sababood ay ku kala tagi karaan waxay helaan hal sabab ay ku wada joogi karaan.
Marnaba ha ka quusan wax aad si dhab ah u rabto, way adag tahay in la sugo, laakiin waxaa ka sii daran inaad ka shalayso.
Goortii aad aqbasho qof, waxaad aqbashay wixi ay horay u soo mareen oo dhan. Sidaa darteed, dib ha u soo gocan hana u adeegsan.
Goortii aad qof necbeysato, wax kasta oo ay sameeyaan waxay noqonayaan kuwo kaa xanaajiya. Haddaba ha gelin niyadaada wax naceyb ah.
Goorti aad tiraahdo waan ku jeclahay waxaad ballan ku sameynaysaa qof kale qalbigiisa. Waa inaad ku muujisaa ficil si aad u caddeyso. Jaceylku ma aha qiiro keliya, Jaceylku waa ficil.
Qofka u dambeeya ee maskaxdaada ku jira marki aad seexan rabto habeenki waa sababta farxadaada ama xanuunkaaga.
Haddii maanta aysan ahayn maalintaada, xasuusnow berri waa maalintaada!
Jaceylka waa luuqada qalbiyada iyo indhaha, waa macalinka nolosha, waa bilaawga kalsoonida iyo caashaqa, waa hoyga farxada iyo dareenka, waa geedka ubadka iyo jiritaanka.
Marnaba aad ha ugu xidhnaan qof haddii aysan iyaguna sidaa oo kale dareemayn, sababtoo ah jaceyl hal dhinac ah maskax ahaan ayuu ku baabi’in karaa.
Dadka qaarkii ma rabaan inay runta maqlaan sababtoo ah ma doonayaan in dhalanteedkooda la burburiyo.
Jaceylku waxba ma aha hadaan ficil la socon, Aaminaadu waxba ma aha hadaysan caddeyn (daliil) la socon, Raaligelintu waxba ma aha haddii aan isbedel jirin.
Dadku waxay inta badan hilmaamaan inay kuu mahadceliyaan markaad wanaag u sameyso, laakiin marnaba ma hilmaamaan inay ku eedeeyaan haddii aad hal qalad ku sameyso.
Jaceylku ma ahan dareen keliya ee jaceylku waa daryeel.
Kalsoonidu kama timaado inaad mar walba saxnaato balse waxay ka timaadaa inaadan ka baqin inaad wax qalado.
80% dadku way iska aamusaan xittaa kolki ay rabaan inay wax yiraahdaan si ay uga fogaadaan muran qof ay daneynayaan.
Dhambaalada jaceyl kala mudnaan badan, ragna kala cizi badan, Dumarna kala garasho badan.
Waxaa jiro ruux aduunka kuu jecel Ee adiga uun ha raadsan ruux ku nici doono.

Erayo naxariis badan oo jacayl ah
Haddii raali gelintu ahaan lahayd laab gelintaada, waxaan kuu caroon lahaa sabab la’aan si aad laabta ii geliso.
Cimrigu waa ubax, noloshuna waa waqti, jaceylkuna waa raxmad, ubaxuna waa udgoon, hadaan u qalmo Amraneey xusuustaada igali.
Xusuusnow: Aduunku mid ku meel gaar ah, laakin jaceylka aan adiga kuu qabo waa mid aan dhamaad lahayn oo weligiis jiri doono. Waan ku jeclahay si xad dhaaf ah.
Aduunka waxaad ku tahay hal qof, laakin qof baad aduun u tahay. Qofkaasna waa aniga.
Jaceylku waa sida dagaal ku bilaawdo si fudud, wuxuuna ku dhamaadaa si adag, macquulna ma ahan in la iloobo. Isoo xasuuso haddii aan ahay qof adiga kugu weyn.
Kumanaan qof ayaa laga yaabaa in ay kuu soo diraan fariimo jaceyl laakin fariinteydu waa mid kuwaas ka duwan, maxaa yeelay waxay sidataa dareen farxad leh.
Tan iyo markii aan kula kulmay, waan yara ilmeeyaa, waan yara dhoola cadeeyaa sababtoo ah adiga ayaan ku heystaa, nolosheyda waxay joogtaa halka ugu wanaagsan.
Qalbigaa ku tebay haddii aanan saacado ku aragna waqtigu wuu ila dheeraadaa, dikaanka wadnahana wuxuu ii noqdaa mid boobsiis ah, ma hubo dareen nuucan ah inuu horey iisoo maray, laakin waxaan hubaa inaan kugu riyoodo dharaar iyo habeen, islamarkaana aan kuu riyaaqo indhuhuna ay adigu kugu doogsadaan.
Mar walbaa oo aan arko suuradaada farxada badan waan ku sii jeclaadaa maxaa yeelay waxaan dareemaa dareen aanan caadi ahayn.
Waxaan mar walbaa ku fikir jiray in qofku uu farxad la kulmi karo nolosha hal mar oo kaliya, laakin adiga kadib waxaan ogaaday in farxaddu ay tahay daqiiqad kasta iyo ilbiriqsi kastaa.
Dadku waxay igu tilmaamaan in aan sixranahay sababtuna wax kale ma ahan ee waa jaceylka aan adiga kuu qabo dartii.
Dadku waxay yiraahdaan jaceylku wuu murugo badan yahay balse anigu waxaan qabaa aragti kale, maxaa yeelay waxaaad isiisay farxad aan la qiyaasi karin.
Xusuusnow: Jaceylkeenu waa sida dabeysha oo kale, ma arki karno laakin waan dareemi karnaa.
Qish baro erayo kale qaastan erayo jaceyl qiiro leh
Erayo jaceyl oo raga dareen gelinayo
Sir makuu sheegi karaa? Waxaan ahay qof kugu waashay adiga.
Uma baahni subaxdii in aan cabo kafeey, kaliya in aan adiga kaa fikiro, Jaceylkaagu waa kiciyaha dareemaheyga.
Kulankeenii ugu horeeyay ee aan kulanay, waxaan ku fikiray in aad tahay ninka ugu degan, ugu akhlaaqda wanagsan, uguna quruxda badan aduunka. Hadda waxaan arkaa inaad ka qurux badan tahay ninkaasi. Waxaad dhameytirtay nolosheyda.
Waad ku mahadsantahay inaad noqoto saaxibkeyga, jaceylkeyga iyo halyeeygeyga. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kula qaato cimrigeyga adiga inta ka dhiman nolosheyda.
Inaan noqdo xaaskaaga waa farxada nolosheyda, waad ku mahadsantahay inaad aniga idooratay, Ninkeyga.
Kama caajisi doono weligeey in aan subax walbaa daawado suuradaada qurxoon, ama taabashadaada dareenka leh ee xiliga habeenkii.
Weli waad iga farxisaaa, macaan badan, waxaan rajeyn in aad ogtahay taas.
Jaceylku waa sida xidigaha, waxaa loo saadaaliyaa sida riyada nolosha, waxaana loo hagaajiyaa sida nolosha, tan iyo markii aan adiga ku arkayna nolosheydoo idil adigaa milkiyey.
Erayo naxariis badan oo jacayl ah
Mcnto jacaylka aan kuu qaaday ma ahan wax la dhalaysan karo oo dheel dheel noqon karo, murugada iyo walbahaarka i haysto waxa iiga daran mar kasta oo aan is dhaho seex oo aan indha isku qabto waxaa la i horkeenaa sawirkaaga soo jiidashada leh, markaas ayaan baraaruga aadna u xanuunsadaa, Indhahaygana ay ilmo kusoo istaagtaa, waxan ka baqayaa in aan nolosha ciriiri ku dhamaysto maxaa yeelay qof aan adiga ahayn iima muuqdo.
Mcn weligey waan ku jeclaa, jacaylkaaga dartiisna waxaan u huray nafatayda. Daqiiqad walbaa waxaan jecelahay inaan ku raali galiyo. Waxaana ku rajo weynahay in aan noloshayda inta ka dhiman aan adiga kula wadaago, xusuusnow naftayduna adigay raalli kaa tahay kumana qasbi karaayo nin aanay raalli ku ahayn in ay nolosha la wadaagto, runtiina waan ku jeclahay waxa ilmada indhahayga ka shubayaana maaha wax sahlan ee waa jacaylkaa aad igu beertay.
Illaa maalinkaan ku jeclaaday illaa maanta habeena ma seexan, ma harsado dharaartii, marwalbana waxaad tahay mid naftayda ku dheer oo dareenkaygu la jiro, haddii aan is iraahdo howl qabana adigaan kaa dhex arkaa iyo wanaagi aad ii sammaysay, daraadana waxaan ahaa mid nafteeda u hurtay sidii ay jacaylkeeda u haqab tiri lahayd. Waxay naftaydu adiga dartaa igu qasabtaa in aan sameeyo wax walba oo suuro gal ah, mcn waan ku jeclahay illaa weligayna waan ku jeclaan doonaa.
Jacaylka aan kuu qabo waxa uu ku baahay jirkayga oo dhan, waxa uu gilgilay qalbigayga, waxa uu ku milmay dhiigayga, waxa uu dhaqaajiyay dhuuxayga. Waan ku baryayaa mcnto ha ka bixin balantii iyo wacadkii inoo dhexeeyay.
Waxaan aad ula ildaranahay jacayl aan la kaliyoobay , xili kasta waxa ka fikiraa qof aan niyad ii yahayn Alla dhib badanaa marka uu jacaylku kugu keliyaysto .
Habeen iyo maalin waxaan is weydiiya inaan ku heli doono iyo in kale, qalbigaygu waxa uu aad ula khushuucaa jacaylka xad dhaafka ah ee aad igu beertay, indhahaygu waxa ay aad ula yaabaan oo markastaa u sawiran muqaalkaaga farxada leh, dhagahayguna waxa ay codkasta oo ay maqlaan u maleeyaan kaagii, Alla jacaylku macaanaa.
Qish: Halkaan iska diiwaan geli si aan kuugu soo dirno fariimo jaceyl ah qeybtii labaad.
Jacaylku idho maleh dhegana warkii daa, macaanto anigu wax dambi ah ma lihi waayo qalbigaygu aniga oo aan war u hayn ayuu iga kaa raacay, runtii noloshaydu Alle ka sokow adiga ayay kugu xiran tahay fadlan haygu daawan caashaqa.
Naftayda waxaad ku abuurtay dareen jaceyl oo aanay weligeed arrag marwalbana xagaga ayaan ahay kuuna balan qaadaaya, runtiina waan ku jecelahay.
Mar walba ka fikirkaaga ayaan la ildaranahay iyo sidaan kula kulmaayo waxaan jecelahay in aan kula kulmo maalin walba iyo xili walbaa, waayo waxaad tahay qof noloshayda ku dhex beeray oo aan marnaba ka maarmeynin.
Ku jecliyaa dadkana kugu jecliyaa runtiina waxaan ka warwaraaya sidaan u noolaan doono adiga la’aanta marwalbaana waxaan ahaan doona mid adiga uun kaa fikira.